Jobs(https://www.hiiraan.com/jobs.php) | Twitter(https://x.com/hiiraan) | Somali Links(https://www.hiiraan.com/somalilinks.php) | RSS(https://www.hiiraan.com/news4/2013/Mar/28427/rssreally_simple_syndication.aspx)

Dark Mode

Hiiraan Online(https://www.hiiraan.com/index.php)

×

OPINION(https://www.hiiraan.com/category/op/1)

WARARKA MAANTA(https://www.hiiraan.com/somali.php)

SPORTS(https://www.hiiraan.com/category/sports/1)

SECURITY(https://www.hiiraan.com/category/security/1)

POLITICS(https://www.hiiraan.com/category/politics/1)

Privacy Policy(https://www.hiiraan.com/news4/2021/jan/181422/privacy_policy.aspx) Contact Us(https://www.hiiraan.com/news4/2017/Feb/140758/contact_us.aspx) Jobs(https://www.hiiraan.com/jobs.php)

advertisements

Soomaaliya iyo Hindiya oo Muqdisho kaga wada hadlay amniga badda iyo la dagaallanka argagixisada

Share

Facebook(https://www.facebook.com/sharer/sharer.php?u=https%3A%2F%2Fwww.hiiraan.com%2Fnews%2F2026%2FNov%2Fwararka_maanta15-195518.htm) Messenger(https://www.facebook.com/dialog/send?app_id=437394039608722&link=https%3A%2F%2Fwww.hiiraan.com%2Fnews%2F2026%2FNov%2Fwararka_maanta15-195518.htm&redirect_uri=https%3A%2F%2Fwww.hiiraan.com%2Fnews%2F2026%2FNov%2Fwararka_maanta15-195518.htm) Twitter(https://twitter.com/intent/tweet?url=https%3A%2F%2Fwww.hiiraan.com%2Fnews%2F2026%2FNov%2Fwararka_maanta15-195518.htm&text=Soomaaliya+iyo+Hindiya+oo+Muqdisho+kaga+wada+hadlay+amniga+badda+iyo+la+dagaallanka+argagixisada) WhatsApp(https://api.whatsapp.com/send?text=Soomaaliya+iyo+Hindiya+oo+Muqdisho+kaga+wada+hadlay+amniga+badda+iyo+la+dagaallanka+argagixisada https%3A%2F%2Fwww.hiiraan.com%2Fnews%2F2026%2FNov%2Fwararka_maanta15-195518.htm) LinkedIn(https://www.linkedin.com/shareArticle?mini=true&url=https%3A%2F%2Fwww.hiiraan.com%2Fnews%2F2026%2FNov%2Fwararka_maanta15-195518.htm&title=Soomaaliya+iyo+Hindiya+oo+Muqdisho+kaga+wada+hadlay+amniga+badda+iyo+la+dagaallanka+argagixisada) Telegram(https://t.me/share/url?url=https%3A%2F%2Fwww.hiiraan.com%2Fnews%2F2026%2FNov%2Fwararka_maanta15-195518.htm&text=Soomaaliya+iyo+Hindiya+oo+Muqdisho+kaga+wada+hadlay+amniga+badda+iyo+la+dagaallanka+argagixisada) Koobi Linkiga Email(https://www.hiiraan.com/cdn-cgi/l/email-protection#8db2fef8efe7e8eef9b0dee2e2e0ecece1e4f4eca6e4f4e2a6c5e4e3e9e4f4eca6e2e2a6c0f8fce9e4fee5e2a6e6eceaeca6faece9eca6e5ece9e1ecf4a6ece0e3e4eaeca6efece9e9eca6e4f4e2a6e1eca6e9eceaecece1e1ece3e6eca6ecffeaeceae4f5e4feece9ecabefe2e9f4b0e5f9f9fdfeb7a2a2fafafaa3e5e4e4ffecece3a3eee2e0a2e3e8fafea2bfbdbfbba2c3e2fba2faecffecffe6ecd2e0ecece3f9ecbcb8a0bcb4b8b8bcb5a3e5f9e0)

Cabirka Farta A- A A+

Axad, November 15, 2026 (HOL) – Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay wadahadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga badda iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo labada dhinac ay isla eegeen fursadaha lagu ballaarin karo xiriirka amni iyo midka milatari.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dowladda Hindiya, kaas oo ay hoggaaminaysay Sripriya Ranganathan, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan arrimaha Qunsuliyadaha, Baasaboorrada, Fiisaha iyo Muwaadiniinta Hindiya ee ku nool dibadda.